Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay jawaabtay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ka hor sheegay kulankii xildhibaanada golaha Shacabka, kaasi oo uu ku sheegay in heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaara magaalada Muqdisho uu soo qortay madaxweynaha Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “gef bareer ah”, isla markaana uu ugu gefay madaxda dowlad goboleedyada oo uu kamid yahay madaxweyne Deni.

Wasiir Timacadde ayaa waxa uu sheegay inuu raali-gelin ka siinayo gefkaas madaxda dowladd goboleedyada oo uu madaxweyne Farmaajo ku shaanbadeeyay inay meel-marin waayeen wixii ay iyagu soo qorteen, sida uu sheegay.

“Hadalkaas waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka, annagaana xaal ka siinayn” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Timacadde.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaridka ay si weyn u naqdiyeen hadalkaas oo uu shalay madaxweyne Farmaajo ka hor sheegay golaha shacabka, kaasi oo ay ku tilmaameen in iyagu ahaayeen “marqaatiyaal ka qeyb galay wax uu soo qortay madaxweynaha”.

Si kastaba, waxaa sii cakirmaya xaalka siyaasadeed ee dalka, xili ay saacado kooban ka hareen muddo xileedkii madaxweynaha. Mana jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaaray hanaanka doorashada, iyada oo lagu kala kacay shirkii u dambeeyay ee Dhuusamareeb-4.