Masar oo go’aan ka gaartay safiirkii ay dirtay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa go’aan soo jiitamay ku aqbashay Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday dalkaaas, oo sidoo kalena ah Wakiilka Soomaaliya ee dalalka Jaamacada Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Safiirkan ayaa kamid ahaa 12-xubnood oo dhawaan la horgeeyay xukuumadda, isla markaana dib loo soo celiyay, waxaana loogu magacaabay Masar, in uu wanaajiyo xiriirka labada dal, kadib markii xiisad siyaasadeed xoogan ay muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd.

Danjire Ilyaas ayaa maanta si rasmi ah looga gudoomay waraaqaha Safiirnimo, taasi oo ka dhigeysa in xukuumadda Qaahira ay diyaar u tahay inay dib usoo nooleyso xiriirkii wanaagsana ee dowladda Soomaaliya, kaasi oo uu mad-madow badan soo galay tan iyo markii hogaanka dowladda uu dhinaca saaray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin ay Itoobiya uga hiilineyso Masar, midaasi oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dal, balse hadda waxa muuqda dadaal ay dowladda ku rabto inay dib usoo celiso xiriirkii heerka sarre ahaa ee xukuumadda Qaahira.

Arritan ayaa imaneysa xili ay labada dhinac isku dayayaan soo celinta xiriirkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in horaantii bishan ay dowladda Masar dib u soo celisay dugsigii 15-May, kaasi oo muddo sanad ah waxbarashadiisu hakad u gashay xiriirka sii xumaanayey ee labada dal.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo muddo xileedkeedu ka harsan yahay saacado kooban ayaa muddooyinkii dambe isku dayeysay inay hagaajiso xiriiro badan oo ay u lumisay shaqsiyaad ay saaxiib dhow la yihiin hogaanka dalka, halka ay cadaawad cusub ka abuuratay qaar kamid ah dalalka deriska.