Taliyihii NISA ee magaalada Dhuusamareeb iyo 12 askari oo ilaaladiisa ahaa oo la dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas qarax lagu dilay Taliyaha ciidanka Nabad-Sugida magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon.

Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Taliyaha iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen meel u dhow deegaanka Ceel Dheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ayaa sheegaya in ilaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka ay ku dhinteen qaraxaas, oo jugtiisa laga maqlay deegaano ka tirsan gobolak Galgaduud.

Gaariga ay la socdeen ciidanka ayaa qaraxu uu ku haleelay duleedka Dhuusamareeb xilli ay ku jireen hawlgallo lagu xaqiiinayey amniga inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud 

Waxaa lagu soo waramayaa inuu xiligan socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana xoog u kacsan xaalada deegaanka Ceel Dheere.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay tebiyaan warbaahinta taageerta maleeshiyadaas.