Waa maxay ujeedka kulanka xildhibaanada BF ee berri?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo diray fariin lagu balaminayo kulan ay yeelanayaan berri oo Isniin ah.

Illaa laba ajande ayaa fariintan loogu sheegay xildhibaanada in berri la hor keenayo golaha, kuwaas oo kala ah:

1 – Akhrinta 3-aad ee wax-kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2-aad iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

2 – Iyo warbixin ku sahabsan wax – qabadka 100-kii maalmood ee la soo dhaafay ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha hortegi doona maalinka xigta ee 9-ka bishan Febraayo oo ku beegan Talaadada soo socota, waxuuna xildhibaanada ka hor sharixi doonaa wabixinta berri loo qeybinayo ee wax qabadka xukuumadiisa.

Tuhun iyo guux badan ayaa ka jira magaalada, kaas oo laga qabo in xukuumaddu codsi mudo kororsi ay la hortagto golaha shacabka, sidoo kale waxaa jira olole mudo kororsi oo si hoose uga socda magaalada, inkastoo aan weli si shaacsan loo soo bandhigi karin.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa, in caawa saqda dhexe ay war soo saari doonaan midowga musharaxiinta Soomaaliya, oo hadda shir xasaasi ah ku leh Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa qorsheynaya inuu soo saaro war-saxaafadeed, waxuuna ku dhawaaqi doonaa in aysan aqoonsanayn Madaxweyne Farmaajo wixii ka dambeeyo saqda dhexe ee caawa, sida aan ku helnay xogta.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa aad u murugsan, waxaana dhamaday mudo xileedkii madaxweynaha, iyadoo aysan jirin cid badeleysa iyo wax lagu heshiiyey toona, taas oo mudo dheer laga digayey.