Farmaajo oo saddex tallaabo mid qaadi kara marka waqtigu ka dhaco caawa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Caawa oo ay taariikhdu tahay 7 February, 2021 waxaa ku eg muddo xileedkii afarta sano ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhacaya saacadduu caawa marka ay tahay 11:59 PM, wuxuuna wakhtigiisa dhamaanayaa iyadoo aysan jirin nidaam doorasho oo lagu heshiiyay si looga gudbo marxaladda uu wadanka marayo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu khudbad u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka, isagoo qirtay inuu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalana uu wax heshiis ah la gaari waayay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxaana jirtay inuu eedeymo usoo jeediyay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Soomaaliya waxey ku jirtaa marxalad uu qof walba isha ku hayo waxa xiga ee dhici doona, waxaa la sugi doonaa sida loog falceliyo marka uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Haddaba dadka siyaasadda Soomaalida daraaseeya waxey sheegeen in saddex tallaabo uu qaadi karo madaxweyne Farmaajo.

INUU XAFIISKA KA TAGO

Madaxweynaha wuxuu qaadi karaa tallaabo ah inuu isaga tago xafiiska isla markaana garwaaqsado inuu muddo xileedkiisii dhamaaday, tiiyoo ay jirto inuu hirgalin waayay doorasho, sidoo kalana uu ku fashilmay inuu la heshiiyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa talada dalka iyo howlaha fulinta oo ay doorashada ku jirta la wareegi kara xukuumadda, taasi oo ayada oo kaashaneysa maamul goboleedyada ka shaqeyn karta in muddo 3 bilood gudahood ah ay dalka uga qabato doorasho.

INUU RAADIYO HESHIIS DOORASHO

Madaxweynaha wakhtigiisa maanta ku egyahay wuxuu qaadi karaa tallaabo uu dib ugu raadiyo madaxda dowlad goboleedyada, dadka siyaasadda la falgala waxey sheegeen in maqaam ahaan uusan u qalmin qodobkaan, balse ay tahay tallaabo uu qaadi karo.

Inkastoo lagu kala aragti duwan yahay waxa loogu yeeri doono marka uu muddo xileedkiisa dhamaado iyo awoodda uu lahaan doono, hadana wuxuu heshiiskaas gali doonaa isagoo aan aheyn qofkii hore, awood ahaan.

INUU MUDDO KORORSI SAMEEYO

Dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweyne Farmaajo waxey sheegaan inuu dalka ugu talagalay marxaladaan, isla markaana uu baadi goobayo muddo kororsi, inkastoo shalay uu ku hungoobay inuu Baarlamaanka hortiisa ka sheego.

Waxey dadka qaar dareensan yahiin in Farmaajo doonayo inuu xukunka sii joogo, sidaas darteed waa tallaabo kale oo uu qaadi karo, marka dib loogu laabto inuu ka tanaasuli waayay qeyb ka mid ah heshiiskii dowlad goboleedyada oo khuseeya gobolka Gedo iyo inuu qancin waayay hogaamiyayaasha siyaasadda ee dalka ayaa u muuqata inuu wali doonayo inuu xafiiska sii joogo.

Indhaha oo dhan waxey kusii jeedaan Villa Soomaaliya, waa hoyga looga taliyo Soomaaliya, qof walbana wuxuu ka war dhawri doonaa waxa kasoo bixi doona maanta oo ah maalinta ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.