Maxaa looga hadlay kulankii madax goboleedyada iyo beesha caalamka?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa caawa qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay  wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubbaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka caawa ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo galabta dib ugu laabtay  magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka caawa dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaysa in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel xasaasi ah.

Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa hadda dooneysa inay madaxda Soomaalida isugu keeno shir ay gar-wadeen ka tahay, maadaama ay iyagu ku guul dareysteen inay ku heshiiyaan doorashada.