Sawirro: Ciidanka Haramcad oo howl-gallo qorsheysan ka sameeyey Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska maamulka HirShabelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka howl-gallada ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxa ay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar ee ay ka shakiyaan.

Labo Xidigle Xasan Cabdulle Dhaqane oo ah taliye ku xigeenka saldhigga Booliska Jowhar oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi, wuuuna sheegay in lagu soo qabtay 2 qof oo laga shakisan yahay, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano.

Dhaqane ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay soo socon doonaan howl-gallada baaritaanada ah ee ka socda halkaasi.

Jowhar ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.