Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda siyaasadeed ee dalka kadib markii Farmaajo uu waqtigu ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waqtiga uu ka dhacay, mana cadda sharciyadda uu hadda ugu sii fadhiyo kursiga, kadib markii uu dhameystay afartiisa sano oo ku ekeyd 11:59 PM, February 7, 2021.

Farmaajo ayaa waqtigu ka dhamaaday ayada oo aanay kala caddeyn sida xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ku dambeyn doonto kadib markii lagu heshiin waayey doorasho lagu soo doorto madaxweynihii isaga beddeli lahaa.

Markii waqtigu uu ka dhacay Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah ka dhacay rasaas xooggan oo illaa hadda qaarkeed la maqlayo, waxaana ridaya ciidan taageersan inuu xilka ka dhamaaday.

QORSHAHA MUCAARADKA

Musharaxiinta mucaaradka ayaa waqtigu Farmaajo ku dhacay, ayaga oo aan wax qorshe ah u diyaarsaneyn oo ku aadan sida ay xaaladda dalka ku wajahayaan. Hase yeeshee taas beddelkeed waxay saacadihii ugu dambeeyey ee  7-dii Febraayo ku bixiyeen inay iska daba ordaan ayaga oo raadinaya tallaabo kursiga looga kiciyo marka uu waqtigu ka dhamaado Farmaajo, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.

Musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaanada raacsan ayaa galabkii Axadda illaa fiidkii hore ee Axadda yeeshay kulamo kala duwan, waxayna isku raaceen in xalka noqdo in lala hadlo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, si uu talada dalka isaga ula wareego.

Waxay kadib soo saareen qoraal ay ku sheegeen inaysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne laga billaabo 8-da Febraayo 2021.

GO’AANKA MURSAL 

Markii musharaxiinta ay la kulmeen Mursal wuxuu muujiyey inuu diyaar u yahay inuu madaxweyne ku meel gaar ah noqdo, balse wuxuu si cad u sheegay inuusan sameyn karin inuu meel soo istaago oo uu ku dhowaaqo inuu madaxweyne yahay.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Mursal ayaa doonaya inuu helo taageero xooggan si uu sidaas u sameeyo. Taageerada uu raadinayo waxaa ka mid ah in madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ay ku ra’yi noqdaan kuwa Puntland iyo Jubaland iyo mucaaradka, ama ugu yaraan midkood uu raaco, si uu u dhiirado.

Hase yeeshee, xaqiiqda jirta ayaa ah in mucaaradka aysan labadaasba madaxweyne gacanta ku hayn, inkasta oo rajo ay ka leeyihiin kan HirShabeelle Cali Guudlaawe. 

Arrinta kale ee Mursal dhiiri-gelin karta ayaa ah haddii uu maanta oo Isniin ah Muqdisho laga dareemo awood shacab oo Farmaajo looga soo horjeedo. Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dhankoodana la sheegay inay ku kalsoon yihiin in Mursal uusan qaadi doonin tallaabo ka dhan ah.  

BEESHA CAALAMKA

Beesha caalamka waxaa lagu warramay inay kala hadashay mucaaradka inaysan qaadin wax tallaabo ah oo xaalad dagaal gelin karta dalka, ayaga oo u sheegay inay soo saari doonaan qoraal ku aadan xaaladda dalka, kaasi oo la filayo maanta oo Isniin ah. Inkasta oo aysan caddeyn waxa uu yahay qoraalkaas, waxay u badan tahay inay shir deg deg isugu yeeraan dhinacyada isku haya Soomaaliya, shirkaasna uu ka dhaco Muqdisho.

Xog kale oo aan helnay ayaa sheegeysa in beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka ay u sheegeen Mursal inuusan qaadin wax tallaabo ah oo uu ugu dhowaaqayo inuu talada dalka la wareegay.

Dhanka kale, waxaa xalay sidoo kale qadka internetka ee Zoom-ka ku wadahadlay wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo Jubaland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo dib ugu laabtay  magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka dhex maray wakiillada Beesha Caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegaysa in laga hadlay arrimaha siyaasadda dalka oo hadda mareysa meel xasaasi ah. Si gaar ah waxaa kulankaas diiradda loogu saaray marxaladda uu dalku geli karo wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa inuu socdo qorshe maalmaha soo socda magaalada Muqdisho la isugu keenayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in xaaladdu sii kala cadaato, ha ka fogaan Caasimada Online wixii soo kordha.