Caynte: Dalka wuxuu galay marxalad uusan waligii horey usoo arag oo aan dhicin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda qorsheynta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Caynte) ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo muddada xil-heynta ee ka dhammaatay madaxweyne Farmaajo.

Caynte ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu galay marxalad uusan weligiis horey usoo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, iyada oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo kala guurka.

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Caynte ayaa sidoo kale xusay in arrintani ay dhaawaceyso silsiladdii soo socotay ee dimoquraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mas’uuliyadda uu qaadi doono madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday, ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Halkan hoose ka aqriso:-

Bismillah,

Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor. Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo.

Taxanaha nabadeynta iyo dowlad dhiska dalkeennu wuxuu si habsami leh usoo socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaanna ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka weecan doonin tubtaas toosan.

Wabillahi Towfiiq.