Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray xaaladda ay haatan gashay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxladda kala guurka ah ee la galay iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore ku eedeeyey madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) inuu dalka galiyey xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi sii gelin karta rajada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaasi kusii daray in Soomaaliya ay leedahay shacab iyo haldooro bad-baadin karo dalka iyo dadkaba,

“Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag,” ayuu  sii raaciyey madaxweynuhu.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo lagu heshiin waayey doorashada dalka, sidoo kalena madaxweyne Farmaajo ay ka dhammaantay muddada xil-heynta.