Musharaxiinta oo go’aan 6 QODOB ah ka soo saaray dhamaadka xilliga Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal kasoo saaray dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna shaaciyeen in laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 aysan u aqoonsaneyn Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

CADDAYN DHAMMAADKA MUDDO XILEEDKA MADAXWEYNAHA 9AAD IYO BUUXINTA FIRAAQA DASTUURIGA AH EE XILKA MADAXWEYNENIMO.

Maanta oo taariikhdu tahay 8-da Febaraayo 2021 waxaa ku eg muddo xileedkii Madaxweynaha 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Maxamad Farmaajo.

Haddaba Golaha Midowga Murashaxiinta;

Markii uu arkay Qodobadda 91aad iyo 96aad ee Dastuurka KMG ah in muddada xilhaynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay afar (4) sano oo ka billaabata maalinta xilka loo dhaariyo.

Markii uu arkay in Madaxweynuhu ku fashilmay in uu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka Qaranka.

Markii uu arkay in Madaxweynuhu ku fashilmay hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17 kii Sebtembar 2020, isla markaasna caqabad ku noqday xal-u-helista tabashooyinka ku gadaaman dhaqangelinta heshiiska.

Markii uu arkay in ay lama huraan tahay in dalka laga badbaadiyo firaaq dastuuri ah sida ku cad Qod. 95aad (1) ee dastuurka KMG ah, kaas oo qeexaya bannaanaanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, iyo sii haynta xilkiisa ilaa inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Haddaba, Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ku caddeynayaa mowqifkiisa ku aaddan dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha 9aad iyo buuxinta firaaqa dastuuriga ah ee xilka madaxweynenimo qodobbada soo socda:

1- Laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2- Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi, caburin, gacan ka hadal, iyo dib u dhac kusii yimaada doorashada.

3- Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in la dhiso Gole Qaran oo ku meel gaar ah ( Tansinational National Council) oo ay xubno ka yihiin guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada, wakiilo ka socda Golaha Midowga Murashaxiinta iyo bulshada rayadka ah

a) Golaha Qaran wuxuu iska dhex dooranayaa guddoomiye xilkiisu meerta yahay.

b) Waa in guddoomiyaha Golaha Qaranka uu shir isugu yeero madaxda dawlad Goboleedyada, Guddoomiyayaasha labada Aqalka, wakiillo ka socda Golaha Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayadka ah si loo dhamaystiro hirgelinta heshiiskii 17 ka Sebtembar.

c) In si degdeg ah oo aan dib u dhac lahayn loo soo saaro jadwal doorasho oo la meelmariyo muddo cayiman oo la isla oggol yahay.

4- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

5- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha dawladda, gaar ahaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka in ay sharciga u hoggaansamaan, wuxuuna Goluhu uga digayaa in ay ka sii amar qaataan shakhsiyaad muddo xileedkoodii Dastuuriga ahaa dhammaaday. Hay’aduhu waa in ay daacad u noqdaan nidaamka Dastuuriga, dawlad wanaagga iyo danta guud ee qaranka.

6- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saamilayda siyaasadeed ee dalka, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay taageeraan go’aanka Golaha si ay u fududaato horgelinta heshiiska doorashada, dalkana u helo xasillooni iyo xilli kala guur oo nabad ah.