Maxaa kasoo baxay kulankii Mursal iyo musharraxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, wuxuuna qaatay muddo saacado ah.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saaray xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sida laga yeelayo xil-heynta madaxweynaha, maadaama uu waqtiga ka dhammaaday madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Wararka ayaa sidoo kale ayaa sheegaya in midowga musharraxiinta ay guddoomiyaha golaha shacabka kala hadleen inuu qaato doorkiisa, islamarkaana uu ku sime ka noqdo dalka taas oo uu ka biyo diiday Mursal, sida ay shaaciyeen ilo ku dhow kulankaasi.

Xaaladda dalka ayaa haatan cakiran, iyada oo aanay kala caddeyn, sida ay wax noqon doonaan, maadaama lagu heshiin waayey doorashada dalka ee 2021-ka.

Si kastaba beesha caalamka iyo dadka ordosa arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in dalka uu galo firaaqo dastuuri ah, kana dhacaan qalalaase siyaasadeed oo horleh.