Kulankii Aqalka Sare oo baaqday iyo madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kaas oo ay goluhu uga hadli lahaayeen arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya inuu kulanka baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Senatorada ka soo horjeeda guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qaar ka mid ah xildhibaanada maanta xaadiray kulanka oo la hadlay wariyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyaga oo sheegay inuu hurinayo khilaafka ka dhex taagan golahaasi.

Kulankan ayaa la filayey in Senataradu ay ku ansixiyaan xubin cusub oo ka mid noqonaysa guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, taas oo ay horey u soo meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waa kulankii labaad ee Golaha Aqalka Sare oo u baaqanayo khilaaf ka dhashay in kulanka golahaasi lagu qabto aalada ZOOM-ka.

Is-jiidjiidkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya guddoonka Aqalka Sare, kan Golaha Shacabka, iyo madaxtooyada, kaas oo ka dhashay, sida loo wajahayo arrimaha doorashooyinka ee  2020 illaa 2021-ka.