Xaliimo Yarey oo shaacisay laba nooc doorasho ah iyo waqtiga lagu qaban karo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) oo khudbad ka jeedineysay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta ayaa ka hadashay doorashada ka dhici doonto dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay inuu dalka galayo doorasho isla markaasna waxay soo bandhigtay laba nooc doorasho oo dalka laga sameyn karo.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay in nooca uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu saxiixay madaxweyne Farmaajo ee ah diiwaangelinta cod bixiyaha (Biometirc) aysan suurtagal aheyn inay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ee ah 27 November 2020, iyadoo taas ku sababeysay inay noocaas u baahan tahay shaqo adag oo isugu jirto waqti iyo miisaaniyad xoog leh.

Waxay sheegtay in haddii dalka laga qabanayo doorasha noocaas ah ay u baahan tahay in guddiga la siiyo 13 bilood oo ka bilaabaneyso July 2020 illaa Aug. 2021.

Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa sheegtay ayadoo tixgelinayo duruufaha uu dalka ku jiro inay soo diyaariyeen nooc kale oo doorasho oo ah diiwaan gelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta (Same day manual registration).

Waxay sheegtay in noocaan labaad ay ku qaban karaan 9 bilood oo iyadana ka bilaabaneyso July 2020 illaa August 2021.