Kulankii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa R/W Xamza oo dib u dhacay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii la filayey inay maanta yeeshaan baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Arrimaha ee kulanka dib u dhigay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta oo socdaalkiisa oo laba maalmood loogu talo-galay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

Waxaa sidoo kale safar ku maqnaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, inkastoo uu maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay inaysan jirin wax walaacyo kale ah oo dib u dhigay kulanka, mana jiraan wararka sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in ra’iisul wasaaraha magacaaban uusan taageero haysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

S kastaba, maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kadib soo dhisi doono xukuumaddiisa cusub.