Kulankii labada gole ee BF ee maanta oo dib loo dhigay kadib weerarka VILLA RAYS

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirka lagu qaaday Hoteel Villa Rays oo u dhow Madaxtooyada Qaranka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka sare ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay, kaasi oo uu ajendihiisu ahaa ka doodista miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoonka oo farrintaan u diray dhammaan xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulankan oo ah mid muhiim ah

“Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri woraal kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka.

Weerarka Villa Rays oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xiriiroyey baaqashada kulankan, maadaama uu weli howlgal ka socdo aaga Madaxtooyada oo ah halka la eegtay.

Sidoo kale dadka lasoo bad-baadiyey ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ku sugnaa Hoteelkan oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Godka Jilicow.

Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia.