Maxay yihiin ciidanka cusub ee kasoo degaya Muqdisho?

Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 400 oo Boolis ah oo ka socda Ciidanka Booliska Uganda ayaa la qorsheynaya in la geeyo gudaha Soomaaliya toddobaadkan, kuwaasi oo kamid noqon doona howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

Boqolaalka Booliska ah ee la geynayo Soomaaliya ayaa waxaa qiimeyn ku sameynaya Saraakiisha ururka Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Ciidamada Booliska ah ayaa marka la geeyo Soomaaliya, sida qorshuhu yahay waxay dalka ku sugnaan doona illaa muddo sanad ah, haddii uusan wax iska bedelin qorshaha geyntooda.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay inay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay dib u dhigto waqtiga bixida howl-galka ATMIS.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, islamarkaana ugu yaraan sanadkaan dib loo celiyo labo kun oo askari.

In ka badan 20,000 askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dalka u jooga howlaha nabad ilaalinta.

Ciidamadaan oo Soomaaliya ku jooga howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dagaalka ay dowladda kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.