Daawo: DF oo sheegtay in waqtiga cafiska uu ka sii dhamaanayo Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku tegay xerada ciidanka kumaandooska Danab ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo fariin culus uu uga diray dhalinayarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in laba wado oo kaliya ay u furan tahay dhalinyarada weli ka tirsan kooxda Al-Shabaab, 1-in ciidanka qaranka ay isku dhiibaan, 2-iyo in lagu dilo meel kasta oo lagu arko.

Sidoo kale wuxuu sheegay in fursada ay dowladdu siisay dhalinyaradaas ee ah inay isisoo dhiibaan aysan sii jiri doonin oo la gaari doono waqti aysan muhiimad laheyn is dhiibiddu.

“Guushu waa dhowdahay, waxaan rabnaa in aysan nagu sii dheeraan, kooxdu waxay habeen iyo maalin daadineysaa dhiigga dadkeenna, waxaan dooneynaa inaan deg deg dadkeena uga dul qaadno cadowga,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka hubka qaatay iyo kuwa taageeraya ciidanka difaacaya dalka, isagoo sheegay in hadda la wada fahmay xaqiiqada.

“Waxaa noo muuqata in la wada fahmay oo shacabkeenu gartay in sida kaliya ee argagixisada looga guuleysa karo inay tahay garab istaaga ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ciidanka Danab ee ku sugan Kismaayo wuxuu ku war-geliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland.

“Guud ahaan ciidanka xooggu waxay galeen dagaal guulo waaweyn laga gaaray, jab iyo halaag ayaa gaaray Khawaarijta, welina waa ku socdaa, guushu waa dhowdahay,” ayuu yiri Taliyaha oo ciidanka uga warbixiyey howlgallada ka socda gobollada dalka.

Hoos ka daawo