28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Kulankii Xaaf iyo Ahlu Sunna oo baaqday iyo Khilaaf weyn oo ka dhashay

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Waxaa maanta lagu waday in Gobolka Gal gaduud ay kulan ku yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Mas’uuliyiinta Ahlusuna Waljamaaca.

Kulan maanta ka dhici lahaa Deegaanka Mareer Gur ayaa loo ballansanaa in Madaxweyne Xaaf iyo Saraakiil Ka Socda Ahlusuna isku  arkaan balse waa uu baaqday.

Waxa la sheegay in kulanka uu ubaaqday markii ay ku kala aragti duwanaadeen Madaxda Ahlusuna cida la kulmeysa Hogaamiyaha Galmudug.

Kulanka Mareer gur oo udhaxeysa Dhuusa mareeb iyo Godinlabe ku taalla ayaa dhicitaankiisa berri loo ballamay.

Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Ahlusuna ayaa shirkooda waxay diirada ku saari lahaayeen Xalinta Khilaafka ka Dhexeeya Labada dhican iyo sidii Ahlusuna ay uga mid noqon la haayeen Maamulka Galmudug Sida ay Xaqiijisay Madaxtooyada Galmudug.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna oo aanu Xiriir la Sameynay waxa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Wararka Sheegaya kulanka dhexmaraya Galmudug iyo Ahalusuna.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay magacyada Wasiirada Cusub ee maamulkiisa,waxaana arintaan laga cabsi qabaa iney abuurto khilaaf hor leh oo soo kala dhexgala Ahlu suna iyo Maamulka Galmudug.

 

- Advertisement -

Read more

Local News