Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaca ka qaaday guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay baaqashada kulankan ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada ay jiraan safarro dibadeed, kuwa kalena ay howlo shaqo oo joogaan gobollada dalka, iyaga oo qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka maanta uu sidaas ku baaqday, maadaama loo waayay kooram, wuxuuna aad u boggaadiyay xildhibaanada maanta soo xaadiray.

“Xildhibaanada sharafta leh ee waqtigooda yimid kooram la’aan darteeda ayaan shirkii dib ugu dhiganeynaa marka fadhigeena maanta waa innoo xiran yahay” ayuu yiri Aadan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka uu qaadi doono tallaabo lagula xisaabtami doono xildhibaanada ka maqan kulamada joogtada ah ee baaramaanka Soomaaliya.

“Xildhibaanada sababta la’aanta ku maqan xildhibaan kasta magaciisa iyo inta uu maqnaa ayaa loo qori doonaa, kadibna warqaddiisa la siin doonaan faylkana loo gelin doonaa, xildhibaanadaas waxaa leenahay ha yimaadeen” ayuu raaciyay Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacbak ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

Xildhibaanada qaarkood ayaa si adag u cambaareeyay baaqashada ku timid kulankii ay maanta lahaayeen, iyaga oo shaaciyey inay tahay arrin nasiib darro ah.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, waxaana la filayaa inay dood adag ka yeeshaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar-geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada