Kumanaan isugu soo baxay Afgoye

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ee maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen masuuliyiinta maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi,kaasi oo lagu taageerayay hadalkii kasoo yeeray dowlada Maraykanka.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin maamulka gobolka ka tirsan kuwaasi oo meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Cabdi Maxamed Yuusuf,gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobolka Shabeelaha Hoose,oo dadweynaha la hadlay ayaa sheegay in banaanbaa uu ahaa mid lagu muujinayay sida shacabka Sh.hoose ula dhacsan aqoonsigii dowlada Soomaaliya ee Dalka USA.

Maalin ka hor banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta sar sare ee dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay fagaaraha Nabbada ee magaalada Muqdisho,waxaana lagu muujinayay sida loosoo dhaweeynayo aqoonsigii Maraykanka.

“Waa arin lagu muujinayay dareenka Shacabka Shabeelaha Hoose ee aqoonsigii Maraykanka”ayuu si kooban uyiri gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka Shabeelaha Hoose.