Kuraasta Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaareey oo gacanta usii galaya Farmaajo

By Saalax Saciid Sabriye

Beledweyne (Caasimada Online) – 16-ka kursi ee Garbahaarey, 25-ka Beledweyne iyo 26-ka Baraawe macno weyn ayey ka dhex goynayaan halka ay aadi doonto natiijada doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo durgaya inuu qaato inta badan kuraasta deegaan doorashada labaad, taas oo aheyd aragti iyo qorsho uu ku dagaalamayey in muddo ah.

Waxaa jirta 5 deegaan doorasho oo ka baxsan caasimadaha maamul goboleedyada, xaaladaha siyaasadeed ee magaalooyinkaas, duruufaha ammaanka iyo cidda awoodda ku leh ayaa ku tusineysa xisaab ka duwan midda doorashada ee u sawiran dhinacyada qaar.

Beledweyne

Beledweyne waa magaalo siyaasad ahaan cabursan, laakiin dadkeeda ay badi ogol yihiin in 25-ka kursi ee golaha shacabka lagu doorto halkaas.

Ciriirigii siyaasadeed ee magaaladiisa ka jiray iyo kasoo daahistii dhinacyada qaar ayaa fursad lama filaan ah siisay kooxda madaxweyne Farmaajo.

Waxay magaalada kasoo saareen General Xuud, waxay geeyeen ciidan ayaga si gooni ah uga amar qaata, waxay la heshiiyeen Yuusuf Dabageed, shalayna waxay magaalada xoog ku geeyeen Cali Guudlaawe.

Ra’isulwasaare Rooble iyo xukuumadiisa waxay dalbadeen in ciidankaas laga soo saaro magaalada Beledweyne, laakiin warkiisa meel lagama soo qaadin.

Waxay xukuumadda Ergo wasiiro ah u dirtay Cali Guudlaawe, balse iyagiina natiijo la’aan ayey soo laabteen.

12 beelood ayey ka dhexeeyaan 25ka kursi ee taalla magaalada Beledweyne. Doorashada dalka si boob ah ayey ku socotaa, meel walba cidda gacanta ku heysa ayaana boobi karta kuraasta.

Shaxda Farmaajo iyo kooxdiisa ay dageen, sida ay u wajahayaan qorshaha iyo isfahamka maamulka kala dhaxeeya ayaa kuraastaas u jiidinaya hal dhinac, haddii aysan xaalad cusub soo kordhin.  Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu shaaciyo kuraasta Beledweyne maalmaha soo socda.

Baraawe

Magaalada Baraawe waxaa la hadal hayaa inuu ka jiro heshiis xooggan oo Farmaajo iyo Laftagareen ah. Ciidan taabacsan madaxweyne Farmaajo ayaa jooga iyo ciidan ka tirsan AMISOM.

Magaalada Baraawe waxaa shalay tagay taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo isagu kamid ah saraakiisha hor boodeysa dib u doorashada Farmaajo, waxaana la filayaa in ciidan dheeri ah halkaas la geeyo, kuwaas oo aan u baahneyn in diyaarad lagu qaado.

Kuraasta taalla Baraawe xubnihii horay ugu fadhiyey inta badan waxay ahaayeen kuwa Farmaajo taabacsan, laakiin waxaa jira liiska cusub oo dad badan ka takhalusaya, sida ay noo xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Inkastoo Farmaajo uu guud ahaan shaqo culus ka qabsaday kuraasta Koonfur Galbeed, hadana Baraawe waa aag gaar ah oo kooxdiisa ay gacanta kula jirto.

26 Kursi ayaa taalla magaaladaas. Koofur Galbeed tan iyo markii uu Laftagareen madaxweyne ka noqday ciidan ahaan Farmaajo ayaa kor ka ilaashada, waana sida Galmudug iyo Hirshabelle.

Waa adag tahay in kooxda madaxweyne Farmaajo lala qeybsado kuraasta Baraawe taalla, marka la isku daro awoodooda ciidanka iyo ogolaanshaha maamulka.

Garbahaarey

Halkaan oo 16 kursi ay taallo maalmo badan ayey u xiran tahay Farmaajo, wuxuu ka bixiyey gacanta Jubbaland. Hoggaanka uu Farmaajo u dhisay maamulka Gobolka Gedo waxaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, si loo cabsiiyo farsamada shaqada iyo sida la rabo inay doorashada u dhacdo.

Halkaan waxaa ka jirta caqabad ka duwan Baraawe iyo Beledweyne, waana inuu guddiga doorashada heysto Axmed Madoobe, kuwaas oo laga rabo shaacinta liiska, qabashada doorashada iyo xaqiijinta guuleystaha.

Waa adag tahay in kuraastaan laga soo celiyo magaalada Garbahaarey, sidoo kalena waa adag tahay in Farmaajo looga adkaado haddii ay kuraasta halkaas sii yaalaan. Sida hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe loogu qancin karo inuu 16-kaas kursi Farmaajo uga samrana ma fududa.

Seddexdaan magaalo ee Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaarey guud ahaan waxaa taalla 67 kursi oo Golaha Shacabka ka tirsan, marka la fiiriyo xaaladaha magaalooyinkaas ee xagga amniga iyo siyaasadaba waxaa ku gacan sareeya Farmaajo, waxaana aad u yar tirada xubnaha la aaminsan yahay inay ka fakan karaan.

Waa codad miisaan leh oo badali kara saadaasha doorashada haddii aysan waxba iska badalin sida ay hadda wax ku socdaan.