Malxiis: Xal miyaa mise xaraash? (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorasho loogu magac daray mid Dadban, taas oo lagu soo xulayo xubnaha Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan khaladaad laga soo wariyey hanaanka doorashada.

Warbixintan waxaan ku eegi doonaa Sheeko laga diyaariyey doorashada oo laga sii daayey Telefishinka Universal, gaar ahaan Ruwaayadda Guuxa Dadweynaha oo ay ku jiraan jilayaal caan ah oo si dhab ah u metalay qaabka ay u socoto doorashada baarlamaanka federaalka ah ee Somalia.

Sheekadan ayaa soo koobeysa nuxurka doorashada, waxayna faham badan ka bixineysaa, sida ay u socota doorashada, gaar ahaan boobka lagu hayo kuraasta Golaha Shacabka.

Inta badan waxa ay jilayaashu diiraadda saareen tartanka musharixiinta, ergada iyo waxa xiiso beelka ku ridday doorashada socota.

Cabduqaadir Abahaa oo ka mid ah jilaayaasha caanka ah, isla-markaana door weyn ku leh Ruwaayadda, kuna metalaya dhanka isku daba ridka ergada, isaga oo u dhexeeya musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada ayaa ku gor-gor tamaya inuu keenayo ergo aanan aheyn tan beesha kursiga, kuna rabo qiimo aad u jaban.

“Malxiis lacag la’aan yaa rabo? Qiimo jaban soo baxa, yaa doonaayo? xildhibaan aad lacag la’aan ku heleyso, laakiin qiimo jaban lacag yar ayaa dhiibeysaa,” ayuu yiri Cabduqaadir Abahaa oo ka mid ah jilayeyaasha Sheekada.

Sidoo kale Ruwaayadda ayaa waxaa kasoo muuqday koox kale oo isugu jirto Gabdho iyo Wiilal metalayey ergada wax dooraneyso, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, si ay u codeeyaan, waxaana ay qariyeen magacyadooda saxda ah, ayada oo loogu yeerayey magacyo kale oo been abuur ah, sida Xuseen Abdow Isaaq, Buuxow Balaq Xuseen, Khadiijo Cabdiyow Buruudle, Safiyo IdilJawaan iyo Xasan Baroodo Muruq, taas oo loogala jeedo sida ay ergada doorashada u bedashaan magacyadooda, una qariyaan wejiyadooda.

Dhinaca kale waxaa Ruwaayaddan ka dhashay falcelin xoog leh, ayada oo dadweyne fara badan ay ka aragti dhiibteen, ayaga oo is barbar dhigaya Sheekada iyo Doorashada.

“Waa tan hadda ina haysata wayaan allow Nabad caadil keen,” ayuu yiri Cabduqaadir Xasan Barrow oo ka mid ah dhalinyarada isticmaasha Facebook ee ka falceliyey Sheekada.

Sharmaa’arke Axmed oo sidoo kale ka mid ah dhalinyarada ka aragti dhiibtay Sheekadaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, sida ay haatan wax u socdaan iyo doorashada, wuxuuna sheegay in tani ay dhaawaceyso mustaqbalka dalkeena iyo jiilka dambe.

“Waa wax laga xumaado runtii waayo waa xaqiiqada dalkeena kajirta… mustaqbalka dalkeena iyo jiilka dambe sidaan lagu afduubaya. Allow wadanka noo hagaaji oo aduunka kale nala tartan sii,” ayuu ku yiri Sharmaa’arke qoraal uu soo dhigay qaybta Commentiga.

Halkan hoose ka daawo:-