Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ciidanka KENYA lagula eegtay Jubbaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo nooca miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee Somalia.

Qaraxyada oo is xig-xigay, isla-markaana ahaa labo ayaa waxaa ciidamada Kenya iyo kolonyo ay wateen lagula beegsaday deegaanka Kambooni.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ay fureen rasaas, taas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaare ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari, sidoo kale uu burbur soo gaaray gaadiid ka mid ah kolonyada ciidanka Kenya.

Sidoo kale ciidamada la qarxiyey oo u socday biyo dhaamin ayaa lagu soo warramayaa in weerarka qaraxyada ah, kadib ay sii wateen socdaalkooda, xaalada ayaa haatan deggan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo Jubbaland oo ku aadan qaraxyadaas oo ay mas’uuliyadooda sheegteen xoogaga Al-Shabaab.

Inta badan ciidamada huwanta ee kus ugan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka ayaa weeraro dhab gal ah kala kulma kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan labadaasi gobol.