QM oo digniin cusub ka soo saartay xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa warbixin cusub iyo digniin kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday in abaarta ka jirta Soomaaliya ay saameysay dad lagu qiyaasay illaa 4.3 milyan oo qof, kuwaas oo haatan u baahan gurmad deg deg ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in abaarta sii kordheysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii, ayaga oo raadinaya biyo iyo cunno.

Sidoo kale waxa ay UNOCHA intaasi kusii dartay in Roobabkii la filayey oo aan di’in ay uga sii dareen xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

“Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay ku dhaygagaysaa masiibo dhici karta,” ayey tiri UNOCHA.

Dhanka kale xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in abaartu ay sii xoogeysato, ayada oo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadkan aynu ku jirno 2022-ka.

Ugu dambeyn UNOCHAa ayaa shaacisay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qqrshaha ka jawaabidda Bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Xaaladda dalka ayaa haatan ah mid adag, waxaana abaarta ay ku soo aaday, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo ku aadan doorashooyinka dalka.