TAIWAN oo toddobaadkan marti-gelinaysa wafti heer sare oo Somaliland ah

Taipei (Caasimada Online) – Dowladda Taiwan ayaa sheegtay in todobaadkan ay martigelin doonto wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka Somaliland, ayada oo jasiiraddaasi ay Africa ka wado howlo diblomaasiyadeed xilli ay wajaheyso cadaadiska Shiinaha ee ah inuu xaddido raadkeeda caalamiga ah.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda, deegaanada Somaliland ayaa inta badan ahaa nabad halka Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo soddon sano ah.

Taiwan iyo Somaliland waxay xafiisyo wakiilo ka samaysteen Hargeysa iyo Taipei sanadkii 2020, waxayna labada dhinac sameysteen xiriir diblomaasiyadeed.

Shiinaha oo ku andacooneysa in Taiwan ay ka mid tahay iyo Soomaaliya oo diidan inay Somaliland dal noqoto ayaa labadaba muujiyey sida ay uga soo horjeedaan inay Taiwan iyo Somaliland sameysteen xiriir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa sheegtay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Horumarinta iyo Kalluumaysiga iyo Beeraha Somaliland ay booqasho ku iman doonaan Taiwan Talaadada maanta ah illaa Sabtida, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo sidoo kale madax kale oo sarsare.

Waxa kale oo ay la kulmi doonaan madaxda shirkadda shidaalka ee CPC oo ay dawladdu leedahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.

“Somaliland waxa ay Taiwan la wadaagtaa qiyamka caalamiga ah ee xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, waxayna raacdaa ku dhaqanka sharciga, waxayna muhiimad gaar ah siisaa xuquuqal insaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Taiwan waxaa Afrika ka saaray diblumaasiyad ahaan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, waxaana hadda kaliya xiriir la leh dowladda Eswatini.

Shiinaha ayaa cadaadis ku saaray dalalka in aysan la xiriirin Taiwan xilli ay dooneyso in ay sheegto madax-banaanideeda.

Taiwan oo muujineysay xiriirka kala dhaxeeyo Somaliland ayaa bishii hore ku deeqday 150,000 xirmo oo ah talaalka Medigen COVID-19 oo ay iyada soo saartay.

Somaliland oo ku taal Geeska Afrika, waxa ay xuduud la leedahay Jabuuti, halkaas oo Shiinuhu ku leeyahay saldhig milatari oo uu markii ugu horreysay ku yeesho dibadda.