Dood ka dhalatay hadal uu Farmaajo ka sheegay Addis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kalmado culus ka jeediyey meertada 35-aad ee shirka madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Farmaajo oo hal sano oo dheeri ah xafiiska ku darsaday ayaa ku dheeraaday dhibaatada Al-Shabaab, sida looga hortagi karo, ahmiyadda iskaashiga dalalaka Gobolka iyo xaaladda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka gaartay la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad kusoo dabaalidda Dalka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay waayo aragnimo fiican u yeelatay habka loo wajaho khataraha kooxaha argagixisada oo uu sheegay in haddii aan wadajir looga hortagin inay saameyn doonaan Gobolka oo dhan.

Wuxuu bogaadiyey qorshaha Golaha Ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku hormarinayo ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Laakiin sheekada dooda badan abuurtay ee madaxweynuhu goobta ka sheegay waa in dowladda Soomaaliya ay gaartay isku filnaansho amni oo ay diyaar u tahay inay AMISOM kala wareegto ammaanka Dalka.

“Waxaa naga go’an inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga, si buuxda ayaana diyaar ugu nahay taas,” ayaa kamid ahaa kalamadihii Farmaajo, kaasoo khudbadiisa ku bogaadiyey heshiiskii ay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika gaareen horaantii bishii lasoo dhaafay ee January, kaasoo la xiriiray sida ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda marka la gaaro Bisha December ee sanadka 2023.

“Soomaaliya waxay sanadihii dambe ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka Amniga ah, dib u dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda kooxda Al-Shabaab, waxayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay waqtigii ay si buuxda ula wareegi laheyd ammaankeeda,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qeybtaan waa midda dooda dul dhigtay hadal jeedinta madaxweynaha, haddii aan kala qaadno sheegashada madaxweyne Farmaajo iyo sida taas ka duwan ee arko.

1- Amniga

Shantii Sano ee madaxweyne Farmaajo, kooxaha qiimeeya arrimaha amniga waxay sheegayaan in xaaladda ay kasii dartay. Cabsi gelinta lagu hayo shacabka, qaraxyada gaadiidka lagu xiro, mid cusub oo qof socdo uu gaari qabsanayo, weerarada tooska ah, toogashada iyo dagaalka ciidanka dowladda dhexdooda ah ayaa hareeyey caasimadda oo ah meesha qura oo ay su buuxda ugu shaqeyso dowladda federaalka ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo ma qaban wax weyn oo amniga la xiriira ayey ku doodayaan khubarada ammaanka, balse sidaas oo ay tahay madaxweynaha wuxuu qabaa in amniga sidii hore kasoo fiicnaaday.

2- Dhismaha Ciidanka

Nidaamka shantii sano ee lasoo dhaafay ee madaxweyne Farmaajo wuxuu dhisay ciidan xoog leh, tani dood badan kama taagna, balse bogaadinta waxaa xayiraad ku ah in ciidankaan aysan illaa iyo hadda aysan deegaano cusub ka xoreyn Al-Shabaab iska daaye waxaa iyaga laga qabsaday deegaano horey looga saaray kooxda.

Sidoo kale waxaa dhismaha ciidankaan dhaawac ku ah inay si weyn ugu milmeyn siyaasadda dalka, iyagoo marar kala duwan weerar ku qaaday madaxdii hore ee dowladda Soomaaliya.

3- Al-Shabaab

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in dowladdii ay si weyn u dhintay halista kooxda Al-Shabaab, laakiin waxaa la is waydiinayaa sida koox aan lala dagaalamin loo dhimay awoodooda.

Seddex jeer oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu dalka galay xaalad dagaal oo toos loo wajahayo Al-Shabaab ayaa dhammaan been noqday.

Farmaajo waxaa lagu eedeeyaa inuu fasax siiyey Al-Shabaab, isagoo taas badalkeeda ku mashquulay la dagaalanka iyo iska celinta siyaasiyiinta madaniga ah ee kasoo horjeeda, taasoo dhalisay inay xoogeysato qatarta kooxda Al-Shabaab iyo inay canshuuraan goobo aysan waligood gacantooda gaarin.

Doodahaan waxay si weyn liddi ugu yihiin hadal jeedintii madaxweynaha ee shirkii midowga Africa, taasoo aheyd in Soomaaliya ay gaartay isku filnaansho Amni oo ay Bisha December 2023 la wareegi doonto amnigeeda.