Sawirro: Farmaajo oo Xalane warqadaha aqoonsi uga guddoomay safiirka USA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu xarunta Xalane uga guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanku ay u soo magacawday Soomaaliya.

Larry André oo ah danjiraha cusub ee Madetkanka ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Danjire Larry André ayaa dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay, isagoo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxweynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa si gaar ah wadahadalkooda diirada ugu saaray kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Danjirahaan cusub ayaa bedelay safiirkii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Donald Yamamoto, kaas oo caan ka noqday dalka, maadaama uu la kulmay mowjadihii khilaafka iyo kala guurka ahaa ee Soomaaliya ay ku dhax jirtay labadii sano ee u dambeysay.