Kuraasta Golaha Shacabka ee GALMUDUG taalla ‘oo laba loo kala qeybsaday’ + Video

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisa uu yahay HOP067 ee deegaan doorashadiisuna ay tahay Galmudug ayaa markale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka digay ‘boobka’ lagu hayo kursigaasi.

General Tuuryare oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku eedeeyey in boobka kursigan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Galmudug iyo Villa Somalia.

“In kursigii la boobo oo la kufsado ayuu go’aansaday maamulka Galmudug waxaana riixaya oo arrinkaas ku taageeraya oo looga amar qaadanayaa Villa Somalia,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka markii hor loo dhisay maamulka uu hoggaamiyo Qoor Qoor ay aheyd in lagu boobo doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka.

Tuuryare oo u sharaxan kursiga HOP067 ayaa sidoo kale xusay in kuraasta taalla Glamudug loo qeybsaday laba qeybood, qeybta ugu badana ay soo qoraneyso Villa Soomaaliya.

“Waxaan xog ahaan ku heynaa oo la wada ogyahay kuraasta Galmudug taalla in loo qeybsaday laba qeybood, qeybta badan oo Villa Somalia soo qoraneyso, ayna ka gadaneyso maamulka iyo qeyb yar maamulka xaggiisa ka imaaneyso oo iyaguna ah dadkii wax u xoogay oo saaxibo siyaasadeed u ah oo markii isaga madaxweynaha laga dhigaayey u xoogay intaas ayuu ku leeyahay, waana inyar,” ayuu markale yiri General Tuuryare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Kuraasta saddex marka loo dhigo labo dhig oo ka mid ah waxaa loo xoogayaa Villa Soomaaliya lambaro ayaana ku qoran lambaradaasna dad ayaa magacyo ku soo hoos qortay ayaa la yiri,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamo laga qaaday magaalada Muqdisho la geeyey Dhuusamareeb, si loogu daro ergada, looguna boobo kursiga HOP067.

“Waxaan maqleynaa in magaalada Muqdisho laga rartay ciidan qaarkood aysan aheyn dadka kursiga iska leh, lana geeyey magaalada Dhuusamareeb, si loogu xoogo kursiga,”

Ugu dambeyn taliyihii hore ee hay’adda NISA ayaa ka digay xaqiraad uu sheegay in lagu hayo dadka uu ka dhexeeyo kursiga HOP067 oo si weyn loogu loolamayo, wuxuuna ka dalbaday ra’iisul wasaaraha iyo midowga musharixiinta inay soo fara-geliyaan arrintaasi.

Muranka hareeyey kursigan ayaa sii xoogeystay, kadib markii uu shalay si rasmi ah isugu soo sharaxay agaasimaha KMG NISA Yaasiin Farey oo gaaray magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana qaatay shahaadada musharaxnimada, taas oo su’aallo badan sii dhalisay.