Guddiga doorashada heer federaal oo war kasoo saaray arrin muran xoogan dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa markii u horeysay ka hadlay Musharaxiinta la diiwaan-gelinayo ayada oo aan lasoo xulin ergooyinkii soo dooranayay, taasi oo siyaasiyiinta qaarkood ku tilmaameen tallaabo khaldan.

Axmed Safiina oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in diiwaan-gelinta ergooyinka iyo diiwaan-gelinta musharraxiinta ay kala tahay labo shaqo oo kala madax-bannaan, islamarkaana ay shaqadoodu ay ku socoto si sax ah.

“Dabcan diiwaangelintu way socotaa, ergadu waa 101 oo tiro badan ma aha, waxaana diiwaan-gelinaya xafiis u gaar ah oo ka gooni ah xafiiska qabanaya arjiyada murashaxiinta, waxaana qoraya oo gacantooda ku keenaya odayaasha dhaqanka ee loogu talo-galay inay soo xulaan kursigaas. Marka waa labo shaqo oo kala madax bannaan oo aan isu xannibnaaneynin,” ayuu yiri Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin illaa hadda cid si rasmi ah cabasho uga soo gudbisay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka, xili ay mucaaridka iyo musharaxiinta qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen doorashooyinka.

“Qof kasta oo cabanaya wuxuu xaq u leeyahay inuu noogu imaado xarunta, noo sheego waxa uu ka cabanayo oo ah habraacii oo la jebiyay. Ilaa hadda ma aannaan arkin musharax ka cabanaya ama suldaan ka cabanaya qof ama ergo.”

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in diiwaan-gelinta musharaxiinta iyo midda ergada is-khuseyn, laakiin ay isku qorshe yihiin, maadama ay isu codeynayaan, islamarkaana ay diiwaan-gelintooda kala labo tahay.

“Ergada gooni ayaa loo diiwaan-gelinayaa murashaxiintana gooni ayaa loo diiwaan gelinayaa. Ergada waxaa lagu dabaqayaa habraacooda goonida ah murashaxiintana habraaca u gaarka ah baa lagu dabaqayaa.”

Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa tallaabo khaldan ku tilmaamay qaar kamid ah siyaasiyiinta u taagan kuraasta baarlamaanka oo la diiwaan-geliyay iyadoo aan la soo xulin ergooyinkii dooran lahaa.