Musharaxiinta qaadacay doorashada maanta oo shaaciyey arrimo yaba leh oo hoolka ka dhacay + Video

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Labo kamid ah musharaxiintii ku tartamayay kuraastii Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ee maanta lagu qabtay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ayaa iskaga baxay hoolka doorashada.

Labada musharax oo u tartamayay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP233 oo ay u taagnayeen dhowr musharax ayaa waxay qaadaceen gebi ahaanba doorashada.

Musharixiinta hoolka isaga baxay ayaa waxaa ay kala yihiin Muna Cali Cabdullaahi iyo Ibraahim Aadan Muuse, waxayna ku eedeyeen Mahdi Guuleed oo ah ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka in uu boobay ergadii dooraneysay kursigaas, sida ay sheegen.

Waxay sheegen in ergo aan ku beel aheyn kuwa leh kursigaas uu soo xulay Mahdi Guuleed, kuwaasi oo laga keenay beelaha kala duwan ee ku nool magaalada Muqdisho.

Waxa aan ogaanay in rrgada aysan ku jirin ergooyinkii saxda ahaa ee reerkeena, ergada maanta waxa ay ahaayeen Daarood, Raxanweyn iyo Hawiye,” ayuu yiri Ibraahim.

Labada musharax ayaa sidoo kale sheegay inaysan marnaba ka qeyb gali doonin doorasho aan cadaalad ku dhisneyn, kuna saleysan boob, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Musharaxiinta maanta qaadacay doorashada ayaa diyaarinaya dacwad ka dhan ah Mahdi Guuleed, taasi oo loo gudbin doono beesha caalamka, si wax looga qabto boobka uu kula kacay kursigaas.

Waxaa xusid mudan in kursiga sumadiisu tahay HOP233, kadib markii ay musharaxiintaas qaadaceen loo doortay Axmed Cismaaan Diiriye oo asagu ka guuleystay Dayib Cabduqaadir Jaamac.

Kuraasta la qabtay doorashadooda ayaa kamid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.