Nuxurka arrimihii uu Farmaajo ka sheegay shirkii uu maanta ka qeyb-galay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaai Farmaajo ayaa maanta ka qeyb-galay shir madaxeedka Suuq-wadaagga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), kaasi oo uu kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu bogaadiyay dadaallada madaxda dalalka ku bahoobay COMESA ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha is-dhex-galka dhaqaalaha, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhidibbada u taagay dalladan ganacsi ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay weheliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu.” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka ay aas-aas u tahay qorsheyaasha heer Qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay.

“Wadamada xubnaha ka ah COMESA waa kala duwan yihiin, waxayna qani ku yihiin kheyraadka dabiiciga ah iyo kan aadanaha labadaba. Waxaa jira fursado dhab ah oo tan looga faa’iidaysan karo iyada oo loo marayo in la xoojiyo ganacsiga gudaha ee COMESA”

Ugu dambeyntiina Farmaajo oo kulankaan uga qeyb-galay habka fogaan arag ah ayaa waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-siisi oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee dalladda dalalka ku mideysan COMESA.