25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Kursiga Beesha Saleebaan ee Cadaado & Shaqsiga madaxtooyada Soomaaliya la dooneyso (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Mid kamid ah kuraasta aqalka hoose ee doorashada magaalada Cadaado ayaa waxaa ka taagan loolan adag maadaama ay ku tartamayaan labo musharax.

Kursigaasi ayaa ah mid ay leedahay beesha Saleebaan ee degmada Galgaduud, waxaana ku tartamaya wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo shaqsi madaxtooyada Soomaaliya dooneyso.

Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo horey usoo noqday wasiirkii arimaha gudaha iyo Ganacsade Saabir Nuur Shuuriye oo madaxtooyada wadato ayaa kursigaasi ku tartamaya.

Doorashada kursiga cidda ku fariisan doonto oo dhawaan la filayo iney ka dhacdo magaalada Cadaado ayaa wuxuu lamid noqon doonaa doorashada kursiga Beesha Waceysle oo uu kusoo baxay shaqsiga madaxtooyada wadatay.

Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Sheikh Shariif ayaa la doonayaa in kursigaasi laga ilaaliyo, waxaana madaxtooyada dooneysaa iney geeyaan booskaasi ruux iyaga matalaya.

Waa Kursi kale oo ay adag tahay doorashadiisa, waxaana laga baqayaa iney dhacdo doorasho adag iyo dhaqaalo badan lagu bixiyaa kursigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News