Go’aan laga soo saaray halka lagu qabanayo doorashada kursiga BF ee HOP#086

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga lambarkiisu yahay HOP086, kaas oo  loo diiday taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kursigan oo markii hore deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Beledweyne si KMG ah loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyay jadwalka doorashada ee kursigan, xilli uu muran badan uu ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeyo musharixiinta u taagan kursigaas.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharixiinta iyo shaacintta guddiga soo xulista ergada la bilaabayo 22-ka bishaan.

Wuxuu sidoo kale guddigu intaasi kusii daray in doorashada kursigan ugu dambeyn la qaban doono 25-ka isla bishaan Febraayo ee sanadka 2023-ka

“Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannan Baarlamaanka 11aad, asagoo gudanaaya waajibaadka qaran ee loo igmaday wuxuu shaacinayaa jadwalka doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH#086, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne, laakin si KMG loogu soo wareejiyay caasimada qaranka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka qoeraalka ah ee ka soo baxay duddiga KMG ah ee doorashadan.

Tallaabada uu guddiga uu qaaday ayaa kusoo aadeysa, ayada oo Beesha Reer Aw-Xasan oo iska leh kursiga HOP086 ay bayaan culus ka soo saartay doorashadiisa.

Odayaasha dhaqanka ee beesha ku eedeeyay guddiga KMG ah ee doorashooyinika kuraasta bannaan, wasiir Faarax Cabdulqaadir iyo ra’iisul wasaare Xamza in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan duud-siinta xuquuqda odayaasha beesha ee kursigan iyo warejintiisa.

“Waxaan caddeynaynaa in Deegaan doorashada Kursiga HOP086 ay tahay Degmada Beledweyne, mana jiro go’aan lagu soo wareejinayo ama heshiis odayaasha dhaqanku ay ka gaareen arrintaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga dhaqanka ee reer Aw-Xasan.

Qoraalka kasoo baxay odayaasha Beesha Reer Aw-Xasan oo si toos ah ugu socday madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle, guddiga KMG ee doorashada, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in kursigan u xirnayn musharax gaar ah ama jifo gaar ah, ayna ku tartami karaan dhamaan musharixiinta u taagan ee buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay.