Kuwait oo xukun dil toogasho ku riday amiir ka tirsan qoyska boqorka + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kuwait ayaa xukun toogasho ah ku riday amiir dilay nin ka mid ah qoyska boqortooyada oo lagu magacaabi jiray Sheikh Bassel al-Sabah.

Amiirka lagu riday Xukunka Dilka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Sheikh Faisal Abdullah al-Sabah, kaa oo si qasdi ah u dilay Amiir Sheikh Bassel al-Sabah.

Amiirka Xukunka lagu riday ayaa si dhow ula shaqeyn jiray Boqorka dalka Kuwai, waxa ayna ku kala tageen dilka uu u geystay Amiirka Marxuumka ah.

Sidoo kale, Dowlada Kuwait ayaa xukun deldelaad ah ku riday qof dumar ah, taaoo dishay dad badan oo ay gubtay inta lagu jiray xaflad aroos ah.

Dowlada Kuwait ayaa dilka Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nusra al-Enezi u cuskatay kiis dilal ah oo ay geysatay sanadii 2009, iyadoo dadka ay dishay lagu sheegay ilaa 57 qof.

Nusra al-Enezi ayaa dilka dadkaasi u adeegsatay dab, kadib markii ay qabadsiisay teendhada ay ku jireen martida xaflad aroos ah oo ninkeeda uu guursanayay hawaneey kale.

Xukunka lagu riday Amiirka ayaa noqonaaya mid dhagafaar ku noqday Dowladaha Carabta, kadib markii la sheegay in Kuwait ay ku degdegtay Xukunka Amiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com