32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Magacyada nabadoonadii ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxyadii Dayax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada shalay lagu weeraray Hoteel Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ahaa Nabadoono caan ah oo kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed.

Nabadoonada ayaa halkaasi u joogay ka qeybgalka shir ay yeelan lahaayen ilaa 7 Xildhibaan oo deegaan ahaan kasoo jeeday Koonfur Galbeed.

Nabadoonada Qaraxyada ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ah Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Keeroow iyo Malaaq Cabdi Rashiid Sheekh Cabdi Salaan.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 Malaaqyo lagu kala magacaabo Malaaq Xasan Buule, Malaaq Yuusuf Cabdiyow iyo Malaaq Shariif Muxyadiin oo kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed.

Nabadoonadaani ayaa deegaan ku ahaa Guri la siman Hoteel Dayah, balse xiliga Qaraxa waxa ay ku sugnaayen Hoteelka.

Geesta kale, wararka qaar ayaa sheegaya in Hoteel Dayah oo ah halka la weeraray lagu diyaarinaayay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News