28 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Guddoomiye ku dhex geeriyooday Xabsi ku yaalla Hargeysa +Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Guddoomiyihii ganacsatada isku beddelka lacagaha ee Hargeysa.

Guddoomiyaha ku dhex geeriyooday Xabsiga oo lagu magacaabaayay Cabdillaahi Cali Barre, ayaa kamid ahaa Lix ruux oo maalinimadii shalay lagu xiray magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa lagu dhex garaacay gudaha Xabsiga, waxaana la sheegay in isagoo aad u liita laga soo saaray Xabsiga, isla markaana la geeyay Isbitaalka uu ku geeriyooday.

Ganacsatada uu sida dhow ula shaqeynaayay Marxuumka ayaa sheegay in Cabdillaahi Cali Barre uu u geeriyooday Jug ay ku dhufteen Ciidamada.

Maxamed Xasan oo ku magacdheer (Fure) oo kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay in goortii Cabdillaahi Cali Barre la dhigay Isbitaalka uu ahaa mid afka ka dhiigaayay.

Waxa uu sheegay in geerida Cabdillaahi Cali Barre ay u sababeynayaan Ciidamada Xabsiga, waxa uuna meesha ka saaray in Marxuumka uu u geeriyooday xanuun caadi ah.

Geerida Cabdillaahi Cali Barre, ayaa waxaa ka dhashay shaki badan waxaana loo badinayaa inay dileen Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News