Wixii ugu dambeeyey ee uu qabtay Obama oo noqotay arrin ka farxisay Falastiiniyiinta

Washington DC (Caasimada Online) – Shaqadii ugu dambeysey ee madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu qabtay saacadii ugu dambeysay ee madaxtinimadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa inuu lacag boqolaal milyan oo dollar ah u ogolaaday Falastiiniyiinta.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Obama uu saacaddii ugu dambeysay meel isaga riixay mucaaradnimada xubnaha xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana uu fasaxay 221 milyan oo dollar oo loogu talo-galay maamulka Falastiiniyiinta, taasi oo ay xanibeen xubnaha xisbiha Jamhuuriga ee Aqalka Congress-ka.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda iyo xubno ka mid ah congress-ka ayaa laga soo xigtay in maamulkii xilka ka tagey uu congress-ka ku war-geliyey in lacagtaas la bixinayo subaxnimadii Jimcaha, saacado ka hor inta aan la dhaarin Trump.

Sarkaalka ayaa sheegay in xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry uu sidoo kale xubno ka mid ah sharci dejinta ku war-geliyey arrintan waxyar un ka hor inta uusan ka tagin xarunta waasaradda arirmaha dibedda markii ugu dambeysay maalintii khamiista.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in warqad ogeysiisn ah oo ku taariikheysan 20-ka January loo diray congress-ka saacado ka hor inta aan Trump loo dhaarin xilka madaxweynaha.

Lacagtan ayaa congress-ka wuxuu ku ansixiyey miisaaniyaddii sanadihii 2015 iyo 2016, hase yeeshee xubno ka tirsan aqalka wakiilada ayaa xanibay kadib markii maamulka Falastiiniyiinta ay raadiyeen inay xubno ka noqdaan ururada caalamiga ah.

Xannibadaaha congress-ka ayaa waxaa inta badan qadariya qeybta fulinta ee dowladda (Aqalka Cad), hase yeeshee ma ahan arrin sharci ah oo diida karta lacagta haddii horey loo qoondeeyey.

Lacagtan ayaa waxaa loogu talo-galay in wax looga qabto arrimaha bani aadannimada ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com