Gabre qofba si u arag: Qeybtii labaad ee meeqa Gen. Gabre ayaa jirta

Qoraalkii (Anigu waa wareeraye meeqa Gen. Gabre ayaa jirta) sida aan u qoray qaybta), qeybta  (A) waa hal abuur, laakin qaybta ( B) tix raac ayeey leedahay. Sawirada aan qaatay hore ayaa mediyaha loogu daabacay, ma ahan in dadka la sawiran ay wada yihiin Gabre saaxibadii, asaga ayaa meel kasta dalaq yiraa oo labadii meel taaganba la jooga, Ha u gafin dadka la sawiran adiga oo aan hubsan waxa isku keenay.

Tan kale in Gabre saaxiibo leeyahay waxaad ka arki kartaa commentiga waa qoraalkii ugu badnaa ee la igu aflagaadeeyo “taa xumaan uma arko”. Waxaa jira kuwa badan oo Gabre isku si aan u wada aragno cadaw.

Dadka qaar ayaaba dhibsaday in magaciisa la soo qaado ayaga oo u arka in uu yahay nin aan qiima laheyn, laakin ogow Gabre waa nin weyn oo wadani ah haddii lagu fiiriyo indhaha Ethiopia, laakin indhaha Soomaalida qaar ay u arkaan nin dambiile ah oo dad badan agoonteeyay qaarna barakiciyay.

Dalka iyo dadku waa xur, mana aaminsana in ciddi gumeeysan karto, laakin maamulada jira madaxdooda ayaa wax si ka yihiin.

Waa run in aan dhowr jeer iskula dhacnay Ethiopia, Kenya iyo Somalia aniga oo jooga, weliba dad Somali ahi oo markaa nala joogay ay iiga hiiliyeen, qaarna igu cabsiiyeen waxa uu igu sameeyn karo meel kasta oo aan joogo. Taasi cabsi iguma heyso. Sanadkii hore laba jeer ayaa Ethiopia la iga marti qaaday, shir dhaqaalaha looga hadlayay mana aadin, haddana mar kale ayaa la igu casuumay, 5th Africa Business Forum – 01 March 2017, (Sheraton Hotel, Addis Ababa, Ethiopia).

Maanta oo taariikhdu tahay 25/01/2017 waxaa la iga sugayay Africa Business Forum B2B Investment Meeting – 25 Jan 2017, (Dubai World Trade Tower) oo la igu marti qaaday mana aadin, cabsina ugama baaqan midkoodna. Ma jecli in aan saaxibadeeyda facebook iyo nafteeydaba in aan been u sheego, ama aan amaano qof aan u arko cadaw qaran oo aan daba dhilifnimo aan wax ku raadsado. Fiiri sawirkan.

Soomaalidu dhaqan ahaan Tub iyo ceel ayaan leenahay ayeey ku faanaan baadiyaha , anna waa in aan ku faanaa Calan iyo Calaamad ayaan leeyahay aduunkuna igu yaqaan, hoose fiiri sawirka 2aad & 3aad.

Ha cabsan dadkana ha cabsiin, ma maqashay “malakul mood mudoow qabsoon, kumana mooga maandheheey”

FG. wixii aad iga sheegteena Aakhira iyo Aduunba waa kuu cafis. Aragtidaadana xor ayaad u tahay qoraalkanna waad dhaliili kartaa .

W/Q: Prof. Yaxye Sheekh Caamir