La-taliayaha madaxweynaha Dr. Baadiyow oo farriin u diray ‘Sacad iyo Wagardhac’

Galinsoor (Caasimada Online) – La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka hadlay gogol ay iskugu yimaadeen beelaha Sacad iyo Wagardhac oo isku haysta degaanka Galinsoor ayaa halkaas ka jeediyay baaq ku aadan in la qaboojiyo xaalada iyo in laga hor tago colaada soo laab-laabatay ee ka jirta Galinsoor.

Gogoshaas nabadeynta ah waxaa dhigtay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka, waxaana loo qabtay beelaha Sacad iyo Wagardhac oo sanado badan ku dagaalamayey aagga degaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in ay tahay wax laga naxo in aano qabiil xiligaan ay ka jirto deegaanada Soomaalida oo qofkii qof dila aan loo dilin ee la dilo qof kale oo aan wax ogayn, taasi oo uu ku sheegay mid aan waafaqsanayn diinta islaamka iyo dhanka suuban ee Soomaalida.

“Hadii heshiis la galaayo shuruuda uu ku najaxo heshiiska maxay tahay? halkaan maka muuqataa heshiiska shuruudihii uu ku najixi lahaa? waxaan oran karaa haa, hadii waqti la galiyo oo daacad laga yahay heshiiskaan waa uu najixi karaa, wasaaradaha arimaha gudaha ee DF iyo Galmudug waa in ay arintaan garab siiyaan, arintaan waxay ku jirtaa shuruudaha uu shirkaan ku najaxayo,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.

Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in heshiiskaan haduu hir galo uusan ahayn mid u dhaxeeya Sacad iyo Wagardhac, balse uu yahay heshiis Soomaaliyeed, taasi oo uu ku macneeyay in beelahan walaalaha ah uu dagaal kooda soo socday in ka badan ‘nus qarni.’

“Shuruuddii dib u heshiisiinta ayaa ka muuqata halkan, oo ah in labada dhinac ay ka muuqato diyaagarow, dowladdana waa la socotaa, marka shirkan waa heshiis guuleynaya iyo nabad Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri

Dr. Baadiyow ayaa intaas ku sii daray, “Caawa shirkan jidka nabadda waa in ay heshiis naga tahay, wax kasta waa la xallin karaa, insha allaah waana la xalinaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay Galmudug dhulka ugu barwaaqo badan Soomaaliya, sida ay sheegeen quburo caalamka, wuxuuna tilmaamay in 33 sano kadib ay tahay wax laga xumaado in qabiil la isku dilayo weli, “Dad walaalo ah oo isla nool in aad noqotaan ayaa idiin muhiim ah,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow.