Sawirro: Xasan Sheekh oo Hiilweyne ugu tegay ciidan loo diyaariyey xasilinta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiil-weyne oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxaa xeradaas degan ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda, kuwaas oo dalka dib loogu soo celiyey, kadib markii dhawaan uu tababar u soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamadaan oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay inay ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka argagixisanimo eek a dhacay magaaladaan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo u turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka ku adkeeyey inay tusaale u noqdaan ciidamada kale ee shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka ay kala dhaxeyso.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidankaan oo kumanaan askari ah ayaa dhawaan ku soo laabtay Muqdisho, kadib dhowr bilood oo tababar culus uu uga socda dalka Uganda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii uu ciidankaas tababarka ugu soo xiray wuxuu ka sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bixisay tasiilaadka ku baxay tababarka ciidankaan.