Daawo: Guulo ‘laga gaaray’ dagaalka Hiiraan iyo qorshaha xiga

Booco (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hoggaaminaya howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday koonfurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaano badan ay ka saareen kooxda, isla markaana ay burburiyeen doomihii ay uga soo talaabi jireen wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay tageen dhowr deegaan oo maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab shacabka ku dhibaateynayeen, isagoo balan-qaaday in howlgalkaas uusan doonin oo galbeedka Hiiraan ay u sii gudbi doonaan.

“Deegaano badan ayaan ka saarnay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana uga sii gudbeynaa deegaanada dhaca galbeedka Beledweyne ilaa aagga degmada Buuloburde, ma joogsa doono, waana bilowday jawigii labaad ee dagaalka,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in sifeynta Al-Shabaab looga faa’iideysto bishaan barakeysan ee Ramadaan, isagoo dadka reer Hiiraan uga digay inuu ku dhaco nabar ay Al-Shabaab u wadeen, taas oo sida uu sheegay ay uga badbaadi karaan inay ka fogaadaan, isakana difaacaan kooxda.

“Walaalayaal Shabaab ka fogaada, hadii aad ka fogaa weydaan gacanta aan u wadno Shabaab ayaa idinku dhici doonta, waxaan ognahay inay been idiin sheegayaan ee ka diida oo ka taga meelaha ay joogaan,” ayuu yiri Cali Jeyte oo warbaahinta kula hadlay degaanka Booco.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay howlgalka socda ku burburiyeen ugu yaraan lix doomood oo Al-Shabaab ay uga soo gudbi jireen wabiga Shabeelle, si ay dhibaatooyin uga geystaan dhanka bari ee wabiga deegaanada dhaca.

Ciidankaan uu hoggaaminayo guddoomiye Cali Jeyte ayaa cagta mariyey ugu yaraan 18 deegaan oo Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku imaanayeen maalmihii lasoo dhaafay, waxaana aaggaas isaga cararay dhamaan xubnihii kooxda.

Hoos ka daawo