Daawo: Xasan oo amar culus kusoo rogay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaciyey go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

“Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaaladaan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni darrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xiran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan  Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan.

“Waa mamcuun gaari Cabdibile ah in magaaladaan lagu dhex arko gaari Cabdibile ah oo qori saaran yahay, sidoo kale waa qiyaano qaran waana mamnuuc in masuul ka tirsan dowladda uu xoog ku dhaafo bar control oo askari maskiin ah uu taagan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Masuulkii diida in gaarigiisa la baaro wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay Shabaab kalkaal, isagoo carrabka ku adkeeyey in loo hoggaansamo masuul iyo shacabka awaamiirta ciidanka.

“Agabka ciidanka, sida gaadiidka, dharka iyo wixii lamid ah waa mamnuuc lama keeno karo, iska ogow ganacsadow, dowladda ayaa la wareegi doonta hadii aad lasoo degto gaadiid ciidan ama tuute ciidan, waxyaabaha kale ee waxa qarxa laga sameeyana iskaba dhaaf,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si adag u sheegay in amniga Muqdisho uu muqadas yahay, “Qofkii arrimaha aan ka digay lagu qabto yaan laga soo daba hadlin, hadii uu bar control xoog ku dhaafo ee la dilo ka hadal ma leh, hadii mid agabka gaadiidka ka ganacsada hantidiisa lala wareego, cid ka soo daba hadli karta ma jirto, ogaada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo