Afar fasiraad oo laga bixiyey in taliye SHUB dib loogu magacaabo xilkiisii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) u magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Jeneraal Mahad waxa uu hadda ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa markii labaad ee xilkaan loo magacaabay.

Hore dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa doorkan ugu dhiibtay laakiin Xildhibaanimo ayuu ka doorbiday xilligii kala guurka. Haddana Xildhibaanimada ayuu kasoo tegay oo inuu hoggaanka Asluubta kusoo laabto ayuu doorbiday.

Magacaabistiisu dadka qaar kedis kuma ahayn kaas oo la hadal hayay labaatankii cisho ee lasoo dhaafay, laakiin dib u magacaabistiisa waxaa ku hareeraysan farriimo siyaasadeed oo deg deg loo xukumi karin.

Ninkan waxay isku xisaab hoose iyo xidid yihiin hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Afar fasiraad ayaa loo sameeyay dib u magacaabista Jeneraal Shub, waxaana qaba afar dhinac oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah;

1. Kooxda Lafta-gareen: Waxay leeyihiin tani waa caddeynta in aan isqaadanay inaga iyo Xasan Sheekh oo aanay jirin wax halis ah oo ku saabsan sii joogista Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed.

Taliye Mahad wuxuu dhawaan tegay magaalada Baydhabo, wuxuuna saxaafadda ka sheegay inuu uyimid difaaca maamulka Lafta-gareen, oo uu sheegay in la rabo in Muqdisho laga dumiyo.

Hadalkaas ma seejin xilka Taliyaha Asluubta. Iyada oo aan Lafta-gareen door la siinin, laga talo-gelin, abaal sheegashana looga dhigin uma badna in xilkaan la iska siiyay Taliye Shub.

Sidaas darteed dadku waxay leeyihiin doodda kooxda Lafta-gareen waa la aqbali kara. Sidoo kale waxay qabaan inay tani xoojineyso hoggaanka Lafta-gareen.

2. Mucaaradka Lafta-gareen: Kooxdan waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay rabto inay qanciso beesha hoose ee Lafta-gareen, oo Muqdisho awood laga siiyo si ay u sahlanaato bixintiisa.

Sidoo kale in Taliye Shub uu xil ka qabto dowladda dhexe waxay hor istaagaysa ayay leeyihiin inuu banaanka usoo istaago in dowladdiisa dagaal kala horyimaado.

Qaarna waxay leeyihiin Jeneraal Mahad in Alsuubta lagu soo celiyo, Xildhibaanimada uu qaato wiilkiisa ama Lafta-gareen, kadibna ay soo baneeyaan Koonfur Galbeed ayaa la isla fahamsan yahay.

Laakiin kooxda dooddaan qabta waxaa dileysa in dowladda dhexe aanay weli muujin inay damacsan tahay inuu isbeddel deg deg ah ka dhaco Koonfur Galbeed.

3. Dadka ku dhow-dhow Villa Somalia: Kooxdan waxay leeyihiin maadaama la gali rabo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Xasan Sheekh wuxuu rabaa Koonfur Galbeed mideysan oo daacad ula shaqeysa.

Sidaas darteed Taliye Shub iyo Lafta-gareen waxaa lagula heshiiyay in culeyska laga qaado, dowladda lagu soo dhaweeyo, iyaguna ay dagaalka hormuud fiican ka noqdaan.

Kooxdan waxay ku dooddayaan inta dagaalka socdo aan isbeddel la aadi karin, laakiin dagaalka kadib uu Xasan Sheekh dib u qaabeyn doono maamullada. Cilaaqaadka Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud ma xumeyn waayihii dambe.

4. Dadka dhinacyadan ka baxsan: Waxay iyaguna sheegayaan in Villa Somalia ay haysato wixii ay ka rabtay Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle, oo ah; Ogolaanshaha shidaal qodista, dhameystirka Dastuurka, heshiisyada Kalluunka, Deyn Cafinta iyo da-dajinta shuruucda dalka.

Maadaama ay Madaxtooyada Haa ka haysato afartaasi maamul-goboleed, in iyagana lasoo dhaweysto oo xilal loo siiyo dadkay wataan waa lagu qasban yahay si loo qurxiyo wada-shaqeynta iyo dhameystirka geediga ay ku taameyso Villa Somalia.

Si kale markii loo dhaho waa dan isweydaarsi ayay leeyihiin dadka iyaguna fallanqeeyay qoddobkaan ee aan danta gaarka ah uga dhex jirin.