Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka billowday…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabelle.

Howl-galadan ayaa si gaar ah waxay uga billowdeen deegaano ku yaala Koonfurta magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku teedsan hareeraha Wabiga Shabeelle.

Howl-galada wejiga labaad ee ka billowday deegaanada dhaca hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Ciidamada iskaashanaya ayaa lagu soo waramaya in howl-galada ay qaadeen ku burburiyeen 10 doomood oo ay Al-Shabaab u isticmaali jirtay in ciidamadooda ay u soo gudbaan deegaanada dhanka bari ee gobolka Hiiraan oo horay looga saaray kooxda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidmada iskaashanaya ay si buuxda ula ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah, kuwaasi oo kala ah Beerxaano, Tarashante, Ceelahele iyo deegaano kale oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay tagi jireen mararka qaar.

Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadd la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte oo maalmo ka hor Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa dadka reer Hiiraan uga digay laba khatarood oo mid tahay dhagarta Al-Shabaab iyo fatahaad laga cabsi qabo inuu geysto wabiga Shabeelle.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.