Muqdisho (Caasimada Online) – Shirar hordhac u ah shirka 10 bishan ka furmi doona magaaladda London ee dalka Britain ayaa ka socda magaalladda Muqdisho ee Xarunta Somalia.
Shirarkaani oo maalmahaani ka socday xaruunta Afasiyooni ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Dastuurka xukumadda Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Baarlamaanka Sagal Isxaaq Biixi, Safiirka Dowladda Britain ee Somalia, xubno ka socday ururadda Bulshada rayidka iyo xubno ka tirsan Guddiga qaban qabada shirka London Somali converence.
La-taliyaha Madaxweynaha Somalia C/raxmaan Ceynte oo madax u ah Guddiga qaban qaabada iyo diyaarinta Shirka London ee DFS oo shirka ka hadlay ayaa ka warbixiyay qaban qaabada iyo diyaar garowga shirka London.
C/raxmaan Ceynte waxa uu sheegay in shirka ay si wada jir u shir guddoomin doonaan dowladda Britain, QM iyo DFS oo u matali doonta wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ceynte waxa uu sheegay in maalinta 1aad ee shirka 10 May ay dhici doonaan shirar kooban oo looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo maalinta xigta ee 11 bisha May oo uu dhacayo shirkii weynaa.
C/raxmaan Ceynte, waxa uu tilmaamay in shirka looga hadlayo afar ajande oo ajande walba ay saaran yihiin qodobo dhowr ah, waxaana ajandayaasha ka mid ah:
1- Xaqiijinta ammniga
2- Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada
3- Hormarinta dhaqaallaha
4- Heshiisyo cusub
Waxa uu farta ku goday in ahmiyada koowaad ay siin doonaan ajandaha Amniga, waxa uuna tilmaamay in shirka culeyskiisa uu noqon doono mid xooga lagu saaro Amniga iyo dhaqaallaha.
Waxa uu carab dhabay in arrinta Amniga ee dhismaha ciidamada ay markii dambe qeyla dhaan ka timid, balse Baarlamaanka uu soo jeediyay in wax laga bedelo, hadana ay hayaan nuxurkiisa.
Dhinaca kale, marka uu soo idlaado shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed lagu qeexi doono dhammaan qodobada kasoo baxa shirka London.

