La-taliyihii amniga ee Deni oo ku geeriyooday Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa Turkiga ku geeriyooday Janaraal Khaliif Ciise Mudan oo maalman arrimo caafimaad u joogay dalkaasi.

Marxuumka oo haatan ahaa la-taliyaha amniga madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Khaliif Ciise Mudan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isaga oo sanadkii 2019-kii ka mid ahaa musharraxiintii u tartamay xilka madaxweynaha ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sanadkii 2011-kii soo noqday wasiirka amniga maamulka Puntland, waxaana horay uu ahaa Duuliye, sidoo kalena wuxuu soo noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidanka cirka dowladdii uu hoggaaminayey Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Halkan hoose ka aqriso taariikh nololeedka maruumka

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso sanadkii 1954-kii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe isla magaaladda Boosaso sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

1974-kii wuxuu dhammeystey jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday Duuliye sare (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jiray Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-kii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala Mareykanka shahaadada Master-ka, siiba cilmiga Master of Business MBA Leadership, Human Resource & Management.