Laba arrin ee kala daran oo isku biirsaday gobolka GEDO

Doolow (Caasimada Online) – Gobolka dhinaca xadka xigga ee Gedo la yiraahdo waxaa Isniintii booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Dalka roobab ayaa guud ahaantii ka da’ayay muddo bil ku dhow. Gobolka Gedo waa meesha ugu badan ee daadadka ay khasaare ka dhaliyeen.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland midna ma bixin dhibaatada reer Gedo. Gobolkaan oo siyaasad ahaan u go’doonsan sanado badan, ayaa dhinaca kale waayay garaam u qalma dhibaatada dhacday afartii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Gaabis, garasho la’aan, garbin iyo tabar darro dowladeed middii ay tahayba reer Gedo ma helin wixii ay kaga gudbi lahaayeen marxaladan adag ayay leeyihiin dadka isha ku haya dhibaatada Gedo taalla iyo heerka ay le’eg tahay jawaab celintu.

Booqashada ra’iisul wasaare Xamza inkasta oo ay soo jeedin karto indhaha beesha caalamka, haddana waxaa weli hooseeya heerka jawaabihii laga filayay dowladda dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland intaba.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo isagu wajahaayay diidmo siyaasadeed oo reer Gedo ah sanado badan ayaa maamulkiisa lagu dhalleeceeyay in uusan xataa bixin qeylo dhaan caalami ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa wuxuu Doolow ka sheegay in xooga gargaar ah ay geeyeen gobolka Gedo, waxyaabo kalena ay soo socdaan, laakiin taasi ay aanay waxba ka tari karin baaxadda dhibaatada.

“Haddii Ilaahay iraahdo wixii kaalmo ah waa lala tacaalaya oo waxaa rajeynaya in kaalmo nila soo gaaro, oo maantaba waxba la keenay. In degmadaan iyo kuwa kale ee dhibaatada badan ka dhaceen ee gobolkaan wax lala soo gaaro ayaa rajeynayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Gedo waxay u baahan tahay gurmad dhab ah oo ka yimaada dowladda dhexe, Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah deegaanada ka bad qaba dhibaatada daadadka.

Xaaladda ay maanta ku jirtaa Gedo waa in laga dhigaa mid heerkeedu intaan ka sarreeyo. Walaaca ugu badan waa inay jiraan digniino la xiriira roobab kuwii hore ka xoog badan oo la filanayo maalmaha soo aadan sida ay sheegtay hay’adda SODMA.

Iyadii oo aan xaaladdii hore laga bixin jawaab gargaar oo u qalanta, in roobab kale yimaadan ayaa xaaladda sii adkeyn karta.

Nuxurka waa in si intaan ka ballaaran oo siyaasad ka maran tahay in loogu gurmado reer Gedo.