Daawo: Dadweyne careysan oo maanta ku dibad-baxay baarlamaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Saciid Deni iyo mucaaradka.

Qaar kamid ah haweenka ku dhaqan Garoowe ayaa isugu soo baxay fagaaraha xarunta baarlamaanka Puntland, waxayna halkaas ka dhigeen dibad-bax cabasho ah.

Haweenkan oo careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi.

Mid kamid ah haweenka oo dibad-baxa ka hadashay ayaa sheegtay inay dareemayaan cabsi iyo walwal ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhacay magaalada Garoowe.

“Annaga waxaa nahay hooyooyin iyo lafta dhabarta Puntland ayaa nahay waxaan idinka codsaneynaa xildhibaano inaynan na qixin oo na dhibaateyn” ayay tiri hooyo kamid ah dadka ka qayb-galay dadka ku banaanbaxay xarunta hore ee baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale gabar kale oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay ku baaqaan nabad iyo in laga wada shaqeeyo horumarka maamul goboleedka Puntland.

“Ma hubeysanin, ciidan ma wadano, dagaal kuma jirno, dhex-dhexaad baanu nahay annaga nabadda Puntand ayaa na deeqda” ayay tiri gabar kale oo goobta ka hadashay.

Dhanka kale, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland, ayna ku dadaali doonaan, sidii looga gudbi lahaa muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

“Haddii aad nagu kalsoon tihiin guryihiina kala aada annaga waa ku filanay waxa halkaas idinka jira, ma dhaceyso wax dhagihiina u daran” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada.

Puntland ayaa haatan wajaheysa marxalad kala guur ah, ayadoo lagu heshiin la’ahay doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Deni.