Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda goobihii ay SSC iyo Somaliland ku dagaalameen

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka SSC ee ku yaal gobolkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in maanta jawiga uu dagan yahay, balse ay weli is horfadhiyaan ciidamada ku dagaalamay halkaasi.

Labada dhinac ayaa Arbacadii isku fara saaray aagga deegaanada Buqdharkayn iyo Yeeyle oo u dhow degmada Oog ee gobolka Sool, waxayna ka kala sheegteen guullo.

SSC oo sheegtay in hub iyo maxaabiis ay ku qabsatay dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in markii hore ay weerarka soo qaadeen ciidanka Somaliland, balse ay iska caabiyeen.

Ciidamada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed oo uu jeediyay guddoomiyaha Guurtida Somaliland waxay weerar fulaynimo ah kusoo qaadeen degmada Yeeyle iyo goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada SSC iyo wafdiga nabadeynta” ayuu yiri mas’uul u hadlay SSC.

Dhankeeda Somaliland ayaa iska fogeysay eedda loo jeediyay waxayna tilmaamtay in dagaalkaas ay ka dambeeyeen Garaadada SSC oo ay sheegtay inay ku sugnaayeen goobaha lagu dagaalamay.

Sidoo kale Somaliland ayaa xusatay in dagalkaasi ay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, ayada oo intaasi ku dartay in lagu waxyeeleeyey dad shacab ah. 

“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Si kastaba, dagaalka SSSC iyo Somaliland oo socday muddo ku dhow sanad ayaa sababay khasaare xoogleh oo soo gaaray labada dhinac, waxaana uu weli uu yahay mid taagan.